Al-Shabaab oo isaga baxay deegaano hoos taga Xarar-dheere

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay iskaga baxeen deegaanno hoos taga degmada Xarar-dheere ee Gobolka Mudug, sida ay baahisay warbaahinta Dowladda

Deegaanada ay isaga baxeen Al-Shabaab ayaa waxaa lagu magacaabaa  Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kadib markii la sheegay in cabsi badan ay soo wajahday, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa Warbaahinta  dowladda  u sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay iskaga baxday deegaanadaas, kadib markii ay Ciidanka Xoogga iyo Saaxibadooda Caalamka ay duqeymo ka fuliyeen todobaadki lasoo dhaafay,iyagoo sheegay in ay wadaan howlgallo Al-shabaab  looga saarayo tuulooyinka ay kaga sugan yihiin deegaanada maamulka Galmudug.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fulinayaan deegaanada ay ku sugan yihiin dagaalamayaasha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here