Al-shabaab oo lagu duqeeyay Jubbada Hoose

Duqeymo ayaa xalay gil-gilay magaalooyinka Jamaame iyo Bu’aale waxaana lagusoo warramayaa in lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab iyo saraakiil.

Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Bu’aale duqeentii ka dhacday uu ku dhaawacmay sargaal lagu magacaabo Xuseen waxaana ku dhintay xubno badan oo katirsan Al-shabaab.

Jamaame iyo Bu’aale waayihii u dambeeysay waxaa kusii xoogeysanay duqeenta xaga cirka ah ee ay fulinayaan diyaaradaha Mareekanka.

Diyaaradaha dagaalka Dowladda Kenya ayaa sidoo kale beegsadaa meelaha ay Al-shabaab ka joogaan goboladda Jubbootinka.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda duqaynta, Al-shabaab dhankooda iyaguna kama aysan hadlin duqaymaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here