Al-Shabaab oo maanta la wareegay deegaan hoos taga D/Cadaado

Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo wata gaadiid dagaal ayaa maanta gaaray deegaan lagu magacaabo Qaayib oo qiyaastii 90-KM dhanka bari uga begmada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Al-Shabaab ayaa dadkii ku noolaa deegaanka ay maanta gaareen Qaayib u sheegay inay u yimaadeen sidii ay Maxkamad uga furi lahaayen deegaanka.

Waa markii ugu horeysay oo Al-Shabaab ay tagaan deegaanka Qaayib oo hoos taga degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, waxayna dadka reer Cadaado si weyn u hadal hayaan imaatinka Al-Shabaab ee deegaankaas, iyagoo cabsi badan ka muujinaya.

Madaxda maamulka Galmudug, Saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug-ba wali kama aysan hadlin arrinta deegaanka Qaayib oo maanta ay Al-Shabaab ka sheegeen inay Maxkamad ka dhisayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here