Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda dhalinyaro lagu dilay Muqdisho

Sedax wiil oo dhalinyarro ah ayaa xalay lagu dilay magaaladda Muqdisho, xilli fiid ah iyagoo ku sugnaa xaafad ka tirsan Degmadda Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Dilka dhalinyaradda waxaa fuliyay koox hubeeysan  oo goobta ka baxsaday markii dilka dadka dileen kadib.

Goob-joogeyaal ayaa sheegay in dilku uu ka dhacay xaafadda Baar-ha-idhaafin islamarkaan dhalinyaradda dilka loo geystay ay wateen mootooyin.

Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda ayaa sheegay in ay dagaalamayaashoodu ay dileen sedex nin oo ka tirsan sirdoonka Degmadda Waaberi ee Gobolka Banaadir.

Majiro war kasoo baxay maamulka Gobolka Banaadir iyo Deegmadda  Waaberi oo ku saabsan dilka xalay dhalinyaradda loo geystay.

Ciidanka amaanka ayaa baaritaan ka sameeyay xafadda uu dilku ka dhacay, mana aysan sheegin haddii ay soo qabteen raggii dilka ka dambeeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here