Aqalka Sare oo ansixiyay hindise sharciyeedka daqlliga guud

Xubnaha golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa maanta waxaa ay kulankooda caadiga ahaa ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho.

Ajandaha kulanka aqalka sare ayaa maanta waxaa uu ahaa Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka iyo Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya Senatar Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa shir guddoominayay kulanka aqalka sare , iyadoona halkaasi ay garab ka fadhiyeen Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.

Cabdiraxman Ducaale Beyle wasiirka maaliyada xukuumadda Soomaaliya ayaa Golaha maanta hortagay si wqx looga weydiiyo su’aalaha ay qabaan xibnaha Senatarada Akhrinta 2aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.

Kulanka 3aad waxaa goobjoog ahaa 31 Senatar,Tirada guud ee Senatarada ayaa u codeeyay ansixinta Xubinta Cusub oo kamid noqaneeysay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka .Waxaa codeeyay 31, senatar, wax diiday majirin,Wax ka amuusay majirin.

Ugu dambeyn Xildhibaannada Aqalka Sare ayaa meel mariyay Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka,waxaana u codeeyay 31, senatar, Wax diiday majirin, Wax ka amuusay majirin, sida uu Ku dhawaaqayo guddoomiyaha aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here