Banaan bax ka dhacay Kismaayo

Dad banaanbaxaya ayaa maray wadooyinka magaaladda Kismaayo, kuwaas oo muujinayay sida ay uga xunyihiin dil xalay magaaladda Kusmaayo loogu geystay Nabadoon Xaaji Siciid Ciise Cabdi.

Koox hubeysan ayaa xalay cishihii nabadoonka ku toogtay magaaladda Kismaayo waxaana uu u dhintay dhaawac toogashadda kasoo gaaray. Maamulka Jubbaland ayaa amray hey’adaha amaanka in ay soo qabtaan kuwii nabadoonka dilay.

Shacabka maanta banaanbaxa ka dhigay Kismaayo ayaa ku dhawaaqayay erayo ay uga cabanayaan amni daradda magaaladda Kismaayo kasoo korortay waxayna dalbanayeen in cadaaladda lasoo taago dadkii dilka geystay.

Ma jirto cid ka tirsan maamulka Jubbaland oo la hadashay shacabka banaanbaxay, balse abaabuleyaasha dibad baxa ayaa meel faraare ah ka sheegay baaq ay maamulka u jeediyeen.

Dibadbaxayaashu waxay dalbanayeen cadaalad. Odoyaal ka tirsan dhaqanka Jubbaland ayaa horay loogu dilay Kismaayo, welina ma jirto cid loo maxkamadeeyay dambiyadda dilka ah ee ka dhaca Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here