Banaanbax ka dhan ah Axmed Madoobe oo ka dhacay Gedo

Banaanbax looga soo horsjeedo caleemasaarkii Axmed Maxamed Islaam ayaa ka dhacay Degmadda Garbahaareey ee Gobolka Gedo. Dadka dibad baxa dhigayay ayaa sidoo kale waxaa ay diidanaayeen faragelinta Kenya ee arimaha gudaha Soomaaliya.

Maamulka Degmadda Garbahaareey ee Gobolka Gedo oo banaanbaxa soo abaalulay ayaa sheegay in ay muujinayaan sida ay uga xun yihiin ka qayb galkii Dowladda Kenya ee caleemasaarkii Madaxweynaha Jubbaland.

Guddoomiye ku xigeenka Degmadda Isaaq Aadan ayaa sheegay in aysan aqoonsaneyn Axmed Madoobe in uu yahay Madaxweynaha Jubaland islamarkaana doorshadii uu ku soo baxay ay ahayd mid aan cadaalad u dhicin .

Madaxweyne Madoobe oo sidoo kale ay Xukuumadda faderalka ah diiday in ay aqoonsato ayaa shalay lagu caleema saaray magaaladda Kismaayo ee xarunta ku meel gaar ka Jubaland.

Waxaa caleemasaarkiisa ka qayb galay wafdi ka tirsan Dowladda Kenya oo ogolaansho la’aan ku soo galay dalka islamarkaana ka baxay.

Caasimadda Gobolka Gedo waxaa ay a tirsantahay magaalooyin dhowr ah oo aan laga taageersaneyn maamulka Jubaland islamarkaana toos ugu xiran Xukuumada dhexe.  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here