Banaanbax maalintii sedexaad ka socda Muqdisho

Darawaladda gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqano ayaa maalintii sedaxaad banaanbax ka dhigaya magaalada Muqdisho waxayna da;banayaan in wadooyinka loo furo.

Degmadda Boondheere iyo Degmadda Yaaqshiid ayey hadda ka socdaan banaanbaxyadu waxayna darawaladu gaadiidkooda ku gooyeen wadooyinka iyagoo xiray isu socodka wadooyin dhowr ah.

Dibadbaxaan ayaa ah kii sedexaad oo xiriir ah oo ay gaadiidleeyda BL-ku ku dalbanayaan in wadooyinka loo furo si ay u bixiyaan lacagta maalinlaha ah ee uu ka qaado maamulka Gobolka Banaadir.

Waxay sheegeen in aysan awoodin in ay bixiyaan lacagta joogtada ah ee ay bixiyaan oo gaareeysa 43,000 Sh.

Ma jirto cid ilaaa iyo hadda si rasmi ah uga jawaabtay cabashadda gaadiidleyda, balse Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in uu ka jawaabayo cabashadda gaadiidleyda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here