Booliiska Ingiriiska oo baaraya nin gaari xamuul ah ku siday ku dhawaad 40 qof oo meyd ah

Booliiska Ingiriiska ayaa su’aalo weydiinaya nin lagu helay isagoo gaari xamuul ah ku sida 39 qof oo meyd ah.

Darawalka oo magaciisa lagu sheegay Mo Robinson, da’diisuna tahay 25 sano ayaa la xiray arbacadii kadib markii ay ciidanku arkeen gaari qaboojiye xamuul ah oo ay dhexdiisa ku jiraan dad meyd ah.

Waxaa gaariga lagu qabtay magaaladda Purfleet ee Wabiga Thames waxaana uu ka yimid magaaladda Zeebrugge ee dalka Belgium-ka.

Ninka la tuhunsanyahay ayaa xabsiga ku jira waxaana la weydiiayaa su’aalo.  

Sidoo kale Booliiska Waqooyiga Ireland ayaa sameeyay baaris ka sameeyay laba guri oo ninka darawalka ah lala xiriirinayo waxaana la baadi goobayaa dad ku lug yeelan kara fal dambiyeed-ka

Dhanka dalka Belgium-ka waxaa ka billowday baaris ku saabsan 39 ka qof ee meydkooda gaariga laga helay maadaama uu gaarigu ka yimid Belgium-ka.

Eric Van Duyse oo afhayeen u ah xafiiska dacwad oogista federalka Belgium-ka ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan islamarkaana aysan wax faham ah ka heysan meesha dambigu ka billowday.

Waxaa jira tuhun ah in dadku ay ahaayeen kuwo doonayay in ay si qarsoodi ah ku galaan Ingiriiska.

2014: soo galooyi u dhashay dalka Afganistaan ayaa laga helay isagoo meyd ah gaari qaboojiye ah dhexdiis waxaana la badbaadiyay 34 kale.

2016: Wiil 18 jir ah ayaa shil ku dhintay kadib markii uu isku dayay in uu ku dhuunto qaybta hoose ee gaari xamuul ah.

Geerida nuucaan ah kuma cusba Ingriiska sida ay werisay BBCda:-

Sanadkii 2000, 58 muhaajiriin Shiineys ah ayaa ku hintay gaari xamuul ah dhexdiis kadib markii ay neeftu ku dhegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here