Booliiska kenya “Gaadiidkaan ayaa halis na geliyay”

Saraakiisha Booliiska Dalka Kenya ayaa cabasho weyn ka muujiyay gaadiidka dagaal ee ay adeegsadaan.

Gaadiidkan ay ka cabanayaan Booliisku ayaa ah nooc loo yaqaano APCs, oo Dowladda Kenya ay booliskeeda u siisay in ay yihiin kuwo aan xabbadda karin , balse ay saraakiishu sheegeen in ay xabaddu karto.

Saraakiil ka codsaday warbaahinta in la qariyo magacyadooda, ayaa waxa ay u sheegeen wargeyska Daily Nation, in gaadiidkan dagaal ee lagu magacaabo APCs uu yahay mi mararka qaarka nafsadooda halis geliya, maadaama marka ay ku dhacaan dhawr xabbadood oo is xig-xiga in uu ciladoobo oo aan laga soo dhex bixi karin gudihiisa.

Waxa ay intaa ku dareen in cillad bixintiisa, aysan aqoon u lahayn farsamo-yaqaannada gaadiidka ee Kenya.

Tiro yar oo farsamo-yaqaanno ah oo u dhashay dalka China oo jooga Kenyana waa ay adag tahay in ay tagaan goobaha qaar.

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay sanadkii 2016kii China ka soo iibsatay gaadiidkan oo la sheegay in qiimihiisu uu ku kacay lacag dhan 3.8 bilyan oo shilinka Kenya.

Intooda badan waxaa ay ku dhamaadeen Qaraxyada miinada ah ee Al-shabaab ka fuliyaan gobollada kala Kenya.

Si kastaba, waxaa arrintan ka gaabsaday afhayeenka Booliska Kenya Charles Owino oo diiday in uu la hadlo warbaahinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here