Cayaartii degmooyinka Waaberi iyi Dharkenley oo baaqatay

Finalka tartanka kubbadda cagta gobolka Banaadir ayaa caawa dib u dhacday.

Ciyaarta final-ka oo dhexaysa degmooyinka Waaberi iyo Dharkeynley ayaa dib loo dhigay arrimo farsamo awgoog, saraakiil ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ayaa warbaahinta u xaqiijiyey arrintaas.

Baaqashada cayaarta ayaa timid kadib markii ay go’day korontada garoonka waxaana markii hore dib loo dhigay muddo saacad ah balse markii dambe ayaa lagu dhawaaqay in kulanku baaqday.

Weli lama oga waxa keenay in ay korantadu go’do inkastoo ay soo laabatay daqiiqado ka hor inta aan cayaarta la baajin.

Kama dambeysta Koobka Degmooyinka oo ay isku arki lahaayeen Dharkenley iyo Waaberi ayaa aad loo sugayay waxaana furi lahaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Kummaanaan daawadayaal ah ayaa lagu arkayey waddooyinka gala garoonka kubbadda cagta ee Eng Yariisow Stadium, waxaana la rajeynayaa dib in laga sheego waqtiga la qaban doono final-ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here