Ciidamada ammaanka oo nolosha ku qabtay rag weeraray xarunta D/Deyniile

Ciidamada amaanka dowladda faderaalka ayaa gacanta ku dhigay laba ruux oo hubeysan oo weraray xaruunta degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Weerarkaan ayaa dhacay saqdii dhexe xalay waxaana la sheegay in ay geysteen laba ruux oo ku hubeysanaa hubka noocyadiisa kala duwan, kuwaas oo damacoodu ahaa inay gudaha u galaan xaruunta degmada.

Dagaal muddo kooban socday una dhaxiyey ilaalada xaruunta degmada iyo raga goobta weraray ayaa ciidamada amniga ee ku sugnaa xarunta waxaa u suurta gashay inay dhawacaan xubnihii weeraray xarunta degmada, iyaga oo nolosha ku qabtay.

Weerarkaan lagu qaaday xaruunta degmada Deyniile waxaa ku geeriyooday haweeney aheyd qof shacab ah oo halkaasi  ku sugneyd xiliga uu werarka dhacayey, iyadoo sida la shegay aaney jirin cid kale oo wax ku noqotay marka laga tago raga xaruunta degmada weeraray oo la dhaawacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here