Ciidamada Jubbaland oo Jubbada Hoose ku dilay ku dhawaad 20 dagaalame

Ciidanka Daraawiishta maamulka  Jubbaland ayaa howlgallo qorshaysan ka sameeyay Tuulooyin hoos taga deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 55KM dhanka bari kaga beegan Magaalada Kismaayo.

Howlgaladaan oo ahaa kuwa qorshaysan ayaa ciidmada Daraawiishta Jubbaland waxa ay ku dileen ku dhawaad 20 ka tirsan dagaalamayaasha Al-shabaab, sida ay sheegeen saraakiishii hoggaaminaysay ciidamadaas.

Abaanduulaha Guutada 1-aad ee Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Khiyaar Cabdi Maxamed oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay dagaalamayaal lagu dilay howlgalka ka mid ahaa madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa deeganada galbeed ee Kismaayo iyo madaxii Miinooyinka oo lagu kala magacaabi jiray Tasmiir iyo Cadaani kuwaas oo ay Ciidamada Jubbaland ay muddo ku raad joogeen.

Ciidamada Daraawiiishta Jubbaland ayaa hadda gacanta ku haya islmarkaana xaqiijiyay amaanka Tuulooyinka hoos taga deegaanka Cabdalla Biroole.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here