Ciidanka Jabuuti oo ku biiray gurmadka Beledweyne

Ciidanka Jabuuti ee ka tirsan howlgalka AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa sheegay in diyaaradaha Qumaatiga u kaca ay uga qeyb-qaadanayaan gurmadka ka socda magaalada Baladweyne, xilli ay sii kordheyso fatahaadda uu sameynayo  Webiga Shabeelle.

Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii qosas badan ay ka barakaceen xaafadaha ku yaala magaalada Beledweyne, iyagoona gaaray deegaanka Ceel Jaalle, maadaama halkaasi nolol aad u xun ay ku haysato.

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ka socda gurmad loo fidinayo dadka ay fatahaaduhu ku saameeyeen magaaladaas, waxaana haatan magaalada ka jira walaac xoog leh oo ku aadan doon saakay ku dagtay gudaha wabiga Shabeelle, waxaana doontaas la socday mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada iyo dad shacab ah.

Dadka ay doonto la degtay oo gaarayay 20 ruux ayaa lasoo badbaadiyay intoo dii ugu badneed oo ay ku jiraan duqa degmada iyo guddoomiyihii hore ee magaalada, waxaana jira dad wali lagu la’yahay gudaha wabiga, iyadoo ay haatan socdaan gurmadyo lagu baadi goobayo dadkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here