Ciidanka Jabuuti oo lagu qarxiyay Jalalaqsi

Wararka ka imaanaya degmadda Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weerar qarax loo adeegsaday lagu qaaday Ciidanka Jabuuti ee degmadaas jooga.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in qof xirtay waxyaabaha qarxa uu isku miidaamiyay ciidanka Dalka Jabuuti ee ka tirsan howlgalka nabad ilaalinta MidowgaAfrica ee AMISOM xilli ay tukanayeen salaadda Duhur.

Waxaa jira Khasaare soo gaaray Ciidanka oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac balse lama sheegin inta uu la egyahay. Majiro war kasoo baxay AMISOM ama Dowladda Jabuuti oo ku saabsan khasaaraha ciidanka gaaray.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa Jalalaqsi ka taagnaa muran u dhexeeya maamulka degmadda iyo ciidanka Jabuuti balse Al-shabaab ayaa u muuqda in ay murankaasi ka faa’iideysteen iyagoo maanta weerar la beegsaday mid ka mid ah saldhigyadda AMISOM ee Hiiraan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here