Ciidanka Kenya ee jooga Soomaaliy oo aan in muddo ah mushaar helin

Midowga Europe iyo saaxiibada kale ma aysan bixin mushaarka Ciidanka Kenya ee gudaha Soomaaliya kula dagaalama Al-Shabaab, sida ay sheegtay Wasaradda lacagta Kenya.

Wasaaradda ayaa sheegtay Kenya ay Midowga Europe ka dalbaneyso 5 billion oo Shilinka Kenya ah taasi ah oo ah mushaarka ciidanka ee laga soo bilaabo bishii July ee sanadkaan.

Miisaaniyadda howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya ayaa hoos u dhacaysay sananad walba waxaana la bilaabay hanaan ay ciidanku si tartiib-tartiib ah wadanka uga baxaan.

Wadamadda Midowga Europe oo taageeradda ugu badan siiya Howlgalka AMISOM ayaa balanqaaday in ay wadayaan taageerada ilaa 2020-ka.

In ka badan 4,000 ciidan Kenyan ayaa ka tirsan AMSIOM waxaana ka maqan mushaarkii muddo sedax bilood ah, sida uu baahiyay Wargeyska Bussiness Daily.

Beesha Caalamku waxay askari walba oo ka tirsan AMSIOM siiyaan $1,028 bil walba. Dowladaha ay ciidanku ka yimaadeen ayaa lacagta la marsiiyaa waxayna Dowladuhu ka jaraan $200, ugu dambeyna waxaa gacanta askariga gasha $800.

Wasaaradda Maaliyadda ee Kenya ayaa sheegtay in ay xiriireyso hey’aada midowga Europe ee lacagta bixiya islamarkaana ay ka daalbaneeyso in ay dedejjiyaan bixinta lacagta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here