Cumar Filish: “Intii la dhamaan lahaa hala dhibtoodo,waddooyinka lama furayo”

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish oo la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegay in isaga shaqsiyan uusan rabin in waddooyinka aysan xirnaan xitaa hal maalin, balse uusan lahayn go’aanka lagu furayo.

“Waddooyinka waxay u xiran yihiin dhibaato amni oo jirta, madaxda ayaana iska leh go’aankan. madaxda go’aankeeda waxa uu yahay inta la dhammaan lahaa hal la dhibtoodo, in la dhammaado iyo in la dhibtoodo yaa roon?” Ayuu yiri guddoomiye Cumar Filish.

Cumar Filish ayaa markii la doortay ballan-qaaday inuu muddo saddex bilood ah ku furayo jidadka xiran ee magaalada, hase yeeshee sida aan xogta ku helnay waxaa taas aad uga hor-yimid hay’adaha amniga iyo madaxda sare.

Waddooyinka xiran ayaa aad u yareeyey qaraxyadii magaalada ka dhici jiray, oo inta badan lagu fulin jiray baabuur qaraxyo laga soo buuxiyey oo magaalada laga soo geliyo deegaano ka tirsan gobollada deriska la ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here