Cumar Filish oo amray in laga guuro dhul dan-guud ah

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa soo saaray amar ku socda dadka degan garoonka kubadda cagta ee Naadiga Muqdisho City Club ee dowladda Hoose, kadib kormeer uu dhawaan ku tagay.

Guddoomiyaha ayaa amaray in dhulkaas lagu baneeyo inta ka dhiman bishan lagu guda jiro ee November, dhulkaan ayaa waxaa deganaa wixii burburkii ka horeeyay kooxda Minishiibiyada, waxa uuna ku yaallaa degmada Warta Nabadda ee gobolka Banaadir.

 “Meelo dad u dhisan ayaa jirta oo naloo sheegay oo ah Garoonkii Basketball-ka iyo Baarkii Minishiibiyada, waxaa u qabaneynaa dadka degan inay nagu soo wareejiyaan illaa 1-da bisha December ee soo socota, waxaa rajeynayaa mar haddii mulkiyada nala sheeganeyn inay nagu daahin, waa u mahadcelineynaa nagama heysan waa noo hayeen”ayuu yiri Cumar Filish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here