Daafiic lagu weeraray Xarunta Xalane oo ay dad ku dhinteen

Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintay dad kalena waa ay ku dhaawacmeen hoobiyaal maaanta lagu weeraray xarunta ay degenyihiin Ciidanka AMISOM ee Xalane.

Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in ay dhinteen sedax Askari oo ka tirsan ciidanka AMISOM iyo labo qof oo ka mid ah shaqaale ka shaqaynayay dhisme ka socda xarunta Xalane.

Sidoo kale qof ka tirsan shaqaalaha hey’adaha Caalamiga ah ee ka howlgalka Xalane ayaa lasheegay in uu ku dhintay Madaafiicda.

Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda ayaa sheegay in ay Xalane ku weerareen lix Madfac islamarkaana ay la beegsadeen xarunta Qaramadda Madoobay iyo Midowga Africa.

War lagu daabacay Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in lix qof ay duqaynta ku dhinteen islamarkaana ay ku dhaawacmeen shan kale.

Majiro war kasoo baxay AMISOM iyo Qaramadda Midoobay oo ku saabsan weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here