Dad hor leh oo ku biiray dibad baxyadda Chile

Dad tiradooda lagu qiyaasay hal million qof ayaa ku biiray dibadbaxyadda ka socda dalka Chile, gaar ahaan caasimadda waxayna Dowladda ugu baaqayaan in ay waxka qabato sinaan la’aanta wadanka ka jirta.

Dadka dibadbaxyadda ka qayb gelaya ayaa maray wadooyinka iyagoo wata calamo iyo boorar ay ku qoranyihiin erayo ay Dowladda isbedel uga dalbanayeen.

Duqa magaaladda Caasimadda ah ayaa shegay isu soobaxa maanta uu yahay mid taariikhi ah

Madaxweyne Sebastián Piñera ayaa sheegay in ay maqleen fariinta dadka islamarkaana ay qaadayaan talaabooyinka laga maarmaanka ah.

“Dhamaan waan badalnay. Maanta dibadbaxa ay dadka Chile ku dalbanayaan midnimadda waa wadada rajadda ee mustaqbalka,” ayuu hadalkisa ku daray madaxweynuhu.

Dibad baxyadda oo todobaadkii lasoo dhaafay ka billowday Caasimadda Santiago ayaa lagu diidanyahay sinaan la’aan dhaqaale waxaana ku dhintay ugu yaraan 16 qof, 7,000 oo kale ayaana ku jira xabsiyadda Dowladda.

Ciidan military ah ayaa sidoo kale la geeyay magaaladda Casimadda ah waxaana lasoo rogay xaalad deg-degg ah iyo bandow, balse taasi waxaaba kama aysan badelin dibadbaxyadda.

Booliiska gaaraya 20,000 oo askari ayaa jooga wadooyinka si ay rabshadaha ula tacaalaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here