Dad loogu aar gudayo Cabdirashiid Janan oo lagu xiray Balad Xaawo

Wararka ka imaanaya magaaladda Balad Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay dad la sheegay in loogu aar gudayo Wasiirka Amniga Jubaland Cadirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo u xiran Dowladda Federal-ka ah.

Dadka la xiray ayaa lasheegay in ay yihiin Ganacsato caan ka ah magaaladda  Balad Xaawo waxaana tiradooda lagu sheegay sedax, sida ay xaqiijiyeen suxufiyiin ku sugan Gobolka Gedo.

Ganacsatada la xiray waxaa ay qaraabo yihiin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, welina warbaahintu ma aysan helin magacyadooda.

Ciidanka Booliiska Soomaaliya ayaa magaaladda Muqdisho ku xiray Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan 31-kii August waxaana loo heystaa dambiyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha, sida uu sheegay Taliska Booliiska Soomaaliya.

Todobaadyo ka hor ayaa sidoo kale Wasiir Janan lasoo taagay Maxkamadda Gobolka Banaadir waxayna maxkamaddu dhageysatay eedaha loo heysto. Maxkamaddu ma aysan gaarin go’aan.

Ciidanka amniga ee jooga magaaladda Balad Xaawo  ayaa saaka xiray Ganacsatada waxaana ujeedka xarigooda lagu sheegay in ay xiriir la leedahay xariga Cabdirashiid Janan.

Lama oga waxa ay arrintaani ku dambeyn doonto waxaana laga qabayaa in ay isu bedesho colaad qabiil.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here