Dadka deegaanka oo dib u furay waddo ciidanku xireen

Dadka deegaanka ayaa baneeyay wadooyin hor leh oo ciidanka amnigu ku xireen dhagaxyo.

Dhagaxyadda shubka ah ayaa laga qaaday wadooyinka ku teedsan wadada wadnaha waxaana la geeyay wadada warshadaha iyo xaafadaha ka sokeeya.

Dadka deegaanka, gaar ahaan xaafadaha Siisii iyo Fagax dhanka degmadda Kaaraan ayaa ka qaaday wadooyinka jidcadaha ah dhagaxyadii ay hey’adaha amnigu ku gooyeen.

Banaan-bax ayaa ka dhacay xaafadaha ay dadku ka qaadeen dhagaxii wadada lagu xiray.

Dadka deegaanka ayaa muujiyay diidmadooda ku aadan in wadooyin hor leh la xiro iyadoo ay maalmihii dambe jireen dibad baxyo ay dhigayeen gadiidleyda BL-ka oo ay ku diidanaayeen xirnaanshaha wadooyinka iyo lacagta joogtada ah ee Dowladda Hoose ka qaado.

Ma jiro war kasoo baxay hey’adaha amniga oo ku saabsan wadooyinka shacabku gacmahooda ku fureen.

Waa markii ugu horreeysay ee shacab careysan ay qaadan talaabo nuucaan ah tan iyo markii ay Dowladdu billowday wado xirista kala wareegga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here