Dagaal culus oo ciidamada Puntland iyo Al-Shabaab ku dhex maray gobolka Bari

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ayaa ku waramaya in halkaas uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Puntland iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

Dagaalkaan ayaa ka dambeeyay kadib markii ay Al-Shabaab weerar gaadmo ah ku soo qaadeen saldhig ciidanka Puntland ku leeyihiin deegaanka Af-Urur, waxaana halkaas ka dhashay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay labo askari ayaa dagaalkaas uga geeriyootay ciidanka Puntland, halka ay uga dhawacmeen ilaa seddax askari oo kale.

Saraakiil ka tirsan maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in dagaalku  uu socday ku dhawaad saacad isla markaana ay iska caabiyeen dagaalamayaashii soo weeraray ee Al-Shabaab.

Sarkaal lagu magacaabo Maxamuud Maxamed Aarsade oo ka tirsan saraakiisha ciidanka Puntland ee maanta Af-Urur kula dagaalamay Al-Shabaab ayaa sheegay in labo askari ay uga geeriyootay dagaalkaas,  saddex kalena uga dhaawacantay.

Sidoo kale Korneel Maxamuud waxa uu sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen shan dagaalame, mana sheegin wax dhaawaca oo ka soo gaaray dagaalyahanadii Shabaab weerarkii ay maanta ku qaadeen deegaanka Af-Urur ee gobolka Bari.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weerar ku qaaday deegaanka Af-Urur ee Gobolka Bari, waxaana xusid mudan inay gacan ku heyntiisa dhowr jeer la wareegeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaaraya deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa  sheegaya in xaaladu ay tahay mid degan, isla markaana ay ku sugan yihiin ciidamada Puntland oo iyagu horay ugu sugnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here