Dani oo go’aan ka qaatay Xildhibaankii weydiiyay Su’aalihii uusan mahadin

Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Dani ayaa ogolaaday in xeer ilaalinta Puntland ay la noqoto dalabkii ahaa in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Cawil Xasan Daad, isla markaana dacwad lagu soo oogo.

War ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in madaxweyne Dani uu cafiyay Xildhibaan Cawil oo maalmo ka hor ay xeer ilaalinta Puntalnd baarlamaanka maamulkaas ka dalbatay in xasaanadda laga qaado, kadib kulan  magaalada Qardho ku dhex maray Dani iyo xildhibaan uu wakiishay xildhibaan Daad.

Warka ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in ilaa 20 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Puntland oo ka baxay magaalada Garowe ay Qardho ugu tageen Madaxweyne Dani iyagoo raali galin ugu wada Xildhibaan Cawil Xasan Daad.

Madaxweyne Dani ayaa aqbalay raali galintii ay u keeneen xildhibaanadu waxuuna cafiyay Xildhibaan Cawil oo uu aad uga carooday su’aalo uu waydiiyay xilli uu madaxweynuhu furayay kalfadhiga 45aad ee baarlamaanka maamulka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here