Dani oo magacaabay wasiiru-dowleyaal iyo wasiir ku xigeenno

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa xeer Madaxweyne ku magacaabay Wasiiru-dowleyaal iyo Wasiir ku-xigeenno.

Xubnaha la magacaabay oo gaaraya ilaa sided ruux ayaa kala ah, Afar wasiiru-dowle iyo Afar wasiir ku-xigeen, kuwaas oo ka mid noqonaya golaha wariirrada ee maamulka Puntland, waxayna kala yihiin:

A. Wasiiru-Dowleyaasha:

1. Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda.

2. Maxamed Xasan Ciise oo loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada ee Xiriirka Goleyaasha.

3.  Axmed Shire Siciid oo loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

4. Fardowso Cismaan Cigaal oo loo magacaabay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.

B. Halka Wasiir Ku-xigeenada la magacabayna ay kala yihiin:

1. Cabdullaahi Cabdisalaan Xasan oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

2. Bashiir Jaamac Maxamed oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare

3. Cabdicasiis Maxamuud Macallin oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada.

4. Sucaad Saalax Nuur oo loo magacaabay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here