Darawal Mooto Bajaaj oo lagu dilay Muqdisho

Askari ka tirsan ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa goor dhaw Isgoyska Ex Koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho waxa uu ku dilay darawal Mooto Bajaaj.

Askarigii dilka u geystay marxuumka ayaa waxaa la sheegay in ay gacanta ku dhigeen askartii kale ee kula sugneed Barta koontorool ee Ex Koontorool Afgooye.

Ruux goobjoog ahaa markii uu dilku ayaa sheegay in askarigu uu darawalka Mootada waday ku amray in uu istaago, balse uu ka dhega adeygay taas oo sababtay in uu askarigu xabad ku dhifto marxuumka oo isla goobta ku geeriyooday.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa marar badan ka dhacay dilal ay askar ka tirsan dowladda Soomaaliya ay u geysteen wadayaal mooto Bajaaj, kuwaas oo intooda badan aan lasoo taagin cadaaladda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here