Deni oo markale magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Puntland ayaa  magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Maamulkaas  kuwaasi oo kala ah : Warfaafinta, Xiriirka Dadweynaha, Mashaariicda iyo Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Puntland:

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr.75 oo ku taariikheysan 28ka Oktoober 2019 ku magacaabay Agaasime Waaxeedyo ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha  Maamulka  Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Khibradooda shaqo

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) loo magacaabay Afhayeenka ahna Agaasimaha Waaxda Warfaafinta Madaxtooyadda Puntland.
  2. Waxaa Liibaan Jaamac Maxamed loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Xiriirka Dadweynaha ee Madaxtooyada Puntland.
  3. Waxaa Abshir Cali Qood loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Mashaariicda Madaxtooyada Puntland.
  4. Waxaa Cabdiraxmaan Cali Seed loo magacaabay Agaasimaha Xiriirka Hay’adaha Madaxa Banaan ee Madaxtooyada Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here