Dhuusamareeb: Guddiga doorashooyinka Qaranka oo xarun cusub ka furanaya Galmudug

Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magaalada Dhuusamareeb ka dhagax-dhigay dhismaha ay ku shaqeyn doonaan guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka qeybta Galmudug.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka qaranka ee qeybta deegaanada Galmudug Cabdi Risaaq Diiriye Warsame ayaa madaxa xukuumadda maamulka Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir uga mahad celiyay sida uu guddiga ugu suurta galiyay in dhul uu leeyahay guddigu ay ka helaan magaalada Dhuusamareeb oo xarun u ah maamulka Galmudug.

Sheikh Maxamed Shaakir ayaa ku amaanay guddiga doorashooyinka qaranka si ay ugu heelan yihiin in ay xaafiis rasmi ah ka furtaan magaalada Dhuusamareeb, isagoo si gaar ah amaan ugu jeediyay guddoomiyaha guud ee guddiga doorashooyinka marwo Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yarey) oo uu sheegay in ay toos uga dalbatay maamulkiisa dhul uu dago guddigeeda, waxuuna ku amaanay sida ay ugu go’antahay Xaliimo yarey u adeega Bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here