Dibad baxyadda chile oo ay dad ku dhinteen

Ugu yaraan sedax qof ayaa ku dhintay dab ka kacay dukaan ku yaala magaaladda Caasimadda ah ee Santiago in ay socdeen dibadbaxyadda rabshadaha waata habeenkii labaad.

Laba qof goobta ayey ku dhinteen mid kalena cusbitaalka ayuu ku dhintay, sida uu warbaahinta us sheegay Duqa caasimadda Karla Rubilar.

Madaxweyne Sebastián Piñera ayaa joojiyay lacagtii lagu daray qiimaha tareenadda lagu raaco taasi oo ahayd sababta ay dibadbaxyadda xoogoodu ka billowdeen, laakiin dibad baxyadu weli wa ay socdaan hadalka Madaxweynaha kadib.

Ciidan iyo taangiyo aya la geeyay caasimadda kadib markii dowladdu ay ku dhaawaqday Bandaw kaasi oo xoojinaya xaaladda deg-degga ah ee magaaladda.

Chile waxaa uu ka mid yahay wadamadda ugu dhaqaalaha badan Latin America waxaana ka jira sinaan la’aan dhaqaale tan ugu xun. Qiimaha nolosha magaaladda caasimadda ah ayaana qaali noqotay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here