Diyaaradaha Yahuuda oo weerar ka geystay Gasa

Labo qof oo rayid ah ayaa ku geeriyootay duqeyn maanta diyaaradaha dagaalka Yahuudu ka geysteen marinka Gasa ee dhulka Falastiin

Wasaaradda caafimaadka ee Ururka Xamaas ayaa sheegtay in 3 ruux oo kale ay ku dhaawacmeen duqeyntaas oo ay diyaaradaha Israel ku bartilmameedsadeen xarumo ay ku sugnaayeen dad shacab ah.

Warbaahinta qaar ayaa baahisay in goobta la duqeeyay ay u dhawdahay xero ay ku tababartaan ciidamada ururka Xamaas ee gacanta ku haya Gasa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here