Dowladda Mali oo ciidan laga laayay

Maleeshiyaad ayaa waqooyi bari dalka Mali ku dilay 53 Askari iyo qof shacab ah kadib weerar ay ky qaadeen saldhig military, sida lagu sheegay war ay Dowladdu soo saartay.

Waa mid ka mid ah weeraradii ugu dhimashada badnaa ee ciidanka soo mara tobankii sano ee lasoo dhaafay.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter ka ee military ga ayaa lagu sheegay in weerarku uu ahaa “weerar agagixiso””.

Mali waxay la dhibtooneeysaa khalalaase tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 2012kii markii ay maleeshiyaad jihaad doon ah la wareegeen woqooyiga wadanka.

Ciidanka Mali oo gacan ka helaya kuwa faraniiska ayaa dib u qabsaday goboladdii ay kooxdu heysteen balse weli xal uma aysan helin weerarada khasaarahaa badan geysta.

Afayeenka Dowladda ayaa sheegay in weerarka Jimcihii oo khasaare badaan geystay ay 10 qof ka badbaadeen .

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda weerarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here