Dowladda oo xabsiga dhigtay Askar ku xadgudbay Saxafiyiin.

Waxaa xabsiga la dhigay labo askari oo ka tirsan Ciidamada Booliiska kuwaas oo si aan sharci waafaqsanayn ula dhaqmay suxufiyiin ku guda jiray hawl maalmeedkooda, waxayna Madaxtooyada Soomaaliya ballan qaaday in ay sharciga lala tiigsanayo askarta xiran.

Askarta xiran ayaa fal ka baxsan sharciga kula kacay Suxufiyiin ka tirsan warbaahinta Al Jazeera kuwaa oo marayay isgoyska soobe meel ku dhaw.

Waxaa jiray fal noocan oo kale ah oo wariyeyaal lagula kacay 27kii bishii hore keddib markii xarig iyo handadaad la isugu daray.

Halkaan ka akhriso qolaaka uu baahiyay Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed:

Waxaa goor dhaw xabsiga la dhigay labo askari oo ka tirsan Ciidamada Booliiska kuwaas oo si aan sharci waafaqsanayn ula dhaqmay suxufiyiin ku guda jiray hawl maalmeedkooda, waxaana Talisku Boolisku ballan qaaday in ay sharciga lala tiigsanayo askarta xiran.

Waxaa jiray fal noocan oo kale ah oo wariyeyaal lagula kacay 27kii bishii hore keddib markii xarig iyo handadaad la isugu daray.

Ciidamada Qalabka sida waxay mudanyihiin in lagu bogaadiyo, laguna garab istaago hawlaha sugidda amniga, balse waxaa loo baahanyahay in ay ka fogaadaan falalka lidka ku ah dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla.

Wariyuhu waa muwaadin la xuquuq ah shacabka kale. Waa la dacweyn karaa, isaguna waa dacwoon karaa, balse waan in xarig kasta loo maraa sifo sharci ah, Booliiskuna waa inuu haystaa warqad ogolaansho.

Waxaan ka raalli galinaynaa guud ahaan bahda saxaafadda, gaar ahaan wariyeyaashii dhibaatooyinka la gaarsiiyay, waxaana qaadeynaa tallaabo kasta oo lagu xaqiijinayo badqabka wariyeyaasha iyo ilaalinta xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here