Dowladda Soomaaliya oo ka jwaabtay go’aan kasoo baxay ICJ

Maxkamada ICJ ayaa go’aamisey in dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya dib loo dhigay.

Warka ka soo baxay ICJ ayaa lagu shaaciyay in dib loo dhigo kiiska ilaa June 8- 12, 2020. Iyadoo Maxkamadda go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada,go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin.

Danjire Ali Faqi ayaa bartiisa xiriirka bulshada ku xaqiijiyay warkaan.

Kenya ayaa marar badan sameysay isku dayo ay ku baajineyso Maxkamadda iyadoo dooneysa in si hoose ay labada wadan u xaliyaan kiiska.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa sheegay in dowladdu ogoshahay go’aanka maxkamada oo noqon doona mid kama dambeys ah.

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay ku qanacday go’aanka Maxkamadda, islamarkaana ay diyaarsan doonto qorshaheeda xilliga loogu tala galay in la yimaado Maxkamadda ee ku cad dib u dhigista maanta lagu dhawaaqay.

“Dowlada Soomaaliya hore ayay u diiday in dib loo dhigo dhagaysiga dacwada balse aysan dowladu ka weyneyn go’aanada maxkamada.”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.

Hore ayay maxkamada ICJ dib u dhigtey dhagaysiga iyadoo sheegtay in 4-ta bisha Noofembar ee soo socota lagu waday in la dhageysto dacwadda labadda dal, laakiin dowladda Kenya si cad uga cudurdaaratay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here