Dowladda Soomaaliya oo xil u magacaawday uu dhalay duqii hore ee Muqdisho Eng. Yariisow

Dowladda Soomaaliya ayaa xil u magacowday Maxamed Cabdiraxman Cumar Cismaan, oo ah wiil uu dhalay allaha u naxariistee duqii hore ee Muqdisho Injineer Yariisow.

Warqad ka soo baxday wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Maxamed loogu magacaabay inuu noqdo xog-hayaha koowaad ee ergada Soomaaliya ee New York.

Warqadda magacaabista ayaa ku taariikheysan 30-kii October 2019, taas hadda soo shaac baxday.

Halkaan ka akhriso warqadda:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here