Dowladda UK oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal.

Dowladda UK iyo xoogaga hubaysan ayaa lagu eedeeyay in ay qariyeen dambiyo dagaal oo ay dad badan shacab ah ku dhinteen.

Dambiyadan oo lasheegay in ay gaysten ciidamada Britain ayaa waxa ay ka kala dhaceen dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

Baatitaankan oo ay si wadajir ah u sameeyeen BBC iyo wargeeska Sunday Times ayaa lagu wareestay 11 dambi bare oo u dhashay Britain kuwaas oo dhamaantood sheegay in ay hayaan cadeemo ku aadan dambiyo dagaal.

Wasiirka gaashaandhiga ee UK ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedeemaha.

Koox si gaar ah u baareeso arimahan oo ku sugan Ciraaq ayaa sheegaytay in ay heleen in cadeemo cusub oo ku aadan in ciidamada Britain ay gudaha dalka Ciraaq ka galeen dambiyo dagaal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here