Duqa Muqdisho oo amray in deg-deg biyaha looga qaado isgoyska Fagax

Duqa Caasimadda Cumar Maxamuud Maxamed  ayaa u kuur galay xaaladda  isgooska Fagax ooay fadhiyaan bihii uu dhigay roob maalmihii lasoo dhaafay ka da’ay magaaladda Muqdisho.

Isgoyska Fagax oo kala qaybiya degmooyinka Yaaqshiid iyo Karaan waxaa uu leeyahay meelo ay biyuhu fariistaan waxaana dhib kala kulma bulshadda deegaanka iyo gaadiidka.

Duqa Muqdisho ayaa faray Gudoomiyaasha Karaan iyo Yaaqahiid in wadadaan sida ugu dhaq siyaha badan lagoo bixiyo biyaha si ay u fududaato isku socodka Bulshada.

Shacabka kunool Xaafada Fagax ayaa dhowr jeer baaq u diray maamulka gobolka Banaadir, maadaama biyaha meesha fadhiya ay kasoo wajaheen dhibaatooyin.

Gaadiid  booyado ah ayaa la geeyay goobta waxaana durba la bilaabay in biyaha laga qaado goobta ay mudada fadhiyeen.

Labada Gudoomiye oo fulinaya Amarka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa waxaay bilaabeen in ay ka shaqa bilaabaan Wadadaan oo ah wada halboole u ah shacabka iyo Gadiidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here