Duqayn lagu dilay madax Daacish ah oo ka dhacday Bari

Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee military-ga Soomaaliya iyo kuwo caalami ah oo ay kaashanayaan ayaa maanta duqayn ka fuliyay goob ay daacish ay ka deganyihiin Puntland.

Duqaynta oo dhacday Salaaddii Jimacaha kadib ayaa lala beegsaday hogaamigaal ka tirsan Daacish, sida ay baahisay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Meesha ay duqayntu ka dhacday ayaa lagu sheegay “buuraha Goolis,” balse sigaar ah looma sheegin meesha uu bartilmaameedku ka dhacay.

“Kumaandooska Soomaaliya oo kaashanaya Saaxiibada Caalamiga ah ayaa howlgal ay ka fuliyeen buuraha Goolis ee Puntland ku dilay 3 horjooge oo ka tirsanaa Daacish,” ayaa lagu sheegay warka SONNA.

Warbaahinta Dowladdu ma aysan sheegin cidda ay yihiin saaxiibadda caalamiga ah ee gacansiiyay Kumaandoosta Soomaaliya, balse Maraykanka oo tababaray ayaa la fuliya howlgaladda lagu beesado Al-Shabaab iyo Daacish.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here