Faah-faahino ka soo baxaya Duqeyn xubno Shabaab ah lagula beegsaday Saakow

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xalay ka dhacday deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Soomaaliya, taas oo la sheegay in lala beegsaday saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen degmada Saakow e gobolkaasi Jubbada Dhexe.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in duqeyntaas oo xalay ka  dhacday degmada Saakow uu bar tilmaameedkeedu ahaa xarun uu ku sugnaa amiir ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Saraakiisha u hadashay Militeriga Soomaaliya oo ku sugan deegaanada Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in duqeyntaas  lagu dilay saraakiil ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ilaaladiisii.

Dadka ku nool degmada Saakow ayaa dhankooda noo xaqiijiyay in duqeyntu ay xalay ka dhacday qeybo ka mid ah magaalada, balse aysan xaqiiji karin inta uu dhanyahay khasaaraha ka dhashay duqeyntaas.

Diyaardaha dowladda Mareykanka ee AFRICOM ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah ee Al-Shabaab iyo Daacish ee ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, intii uu talada hayay madaxweynaha dalkaas Donald Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here