Gaadiidka ka dhex shaqeeya Muqdisho iyo Jowhar oo dib u shaqa bilaabaya.

Gaadiidleeyda ka shaqeeya wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar ayaa maanta dib u bilaabay shaqadooda kadib mudo todobaad ah oo ay hakiyeen.

Isbaarooyin badan oo wadada yaala ayaa ku khasbay in ay shaqada joojiyaan gaadiidleeydu waxayna ka cabanayaan lacag badan oo ay ka qaadaan Ciidanka Dowladda, koox bur cad ah iyo canshuurta maamulka Hirshabeele.

Mid ka mid ah darawaladda gaadiidka ayaa sheegay in isbaarooyinku soo bateen islamarkaana ay shaqada dib u bilaabeen iyadoon waxaba laga qaban cabashooda.

“Isbaarooyinka waa ay soo bateen, lacag badan ayey naga qaadaan, canshuurna waan bixinaa” ayuu yiri Abuukar Xasan Coleey oo ka mid ah darawaladda.

Waxaa uu sheegay in hadda ay wajahayaan khatar kale oo ah in ragga isbaarooyinku u yaalaan ay dilayaan gaadiidleeyda.

Majiro war kasoo baxay maamulka Hirshabeele oo ku saabsan cabashadda gaadiidleyda ka shaqeeya Muqdisho iyo Jowhar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here