Golaha Shacabka oo maanta ansixiyay xisaab xirka miisaaniyaddii sanadkii 2017-kii

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay xisaab xirka miisaaniyada sanadkii 2017-kii.

Ajandayaashii maanta la horgeeyay kulan golaha shacabka oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa ka mid ahaa xisaab xirka miisaaniyadda sanadkii 2017kii ee dowladda, taas oo horay goluhu dib ugu celiyay wasaaradda maaliyadda.


Miisaniyadda maanta la horgeeyay golaha shacabka ayaa waxaa u codeeyay 128 mudane, waxaana diiday 8 Xildhibaan, halka ay ka aamustay 5 Xildhibaan.

Miisaaniyadda la ansixiyay ayaa gaareysa $245, 566,045 waxaana kulankii lagu ansixinayay ee maanta soo xaadiray inta badan wasiirrada xildhibaanada ah ee xukuumadda ka tirsan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here