Guddiga ay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS u magacawday Galmudug oo gaaray Dhuusamareeb

Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug ay dhawaan u magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug .

Xubnahan maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa waxa ay ka kooban yihiin 13 xubnood, waxaana si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka magaalada Dhuusamareeb masuuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Soodhaweynta ka dib, ayaa waxaa loo sii gudbiyay xarunta ay ka socoto hawlaha doorashada iyo qaban qaabadeeda ee lagu magacaabo Shiirkole .

Guddiga ayaa waxa ay kulamo la qaadan doonaan inta ay ku suan yihiin magaalada Dhuusamareeb Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan.

Guddiga farsamada iyo dhismaha Galmudug ee ay magacawday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya ayaan la ogayn qaab ay u shaqayn doonaan ,maadaama uu muran iyo diidmo ka dhashay magacaabistooda taas oo ka timid dhinaca hoggaanka Ahlu-Sunna iyo musharaxiinta qaar .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here