Guddoomiye Mursal iyo dhigiisa Jabuuti oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan  oo uu qeyb ka yahay dhigiisa dalka  Jabuuti Maxamed Cali Xaamud, ayaa gaaray magaalada baydhabo ee xarunta gobolka Bay,  waxaana halkaas ku soo dhaweeyay xubno ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Garoonka diyaaradaha  Shaati Gaduud ee magalada Baydhabo ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey Nadaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, guddoomiyaha baarlamaanka maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada reer Baydhabo.

Wafdigaas  ayaa Baydhabo uga qeyb geli doona furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee golaha wakiilada maamulka Koonfur Galbeed, waxaana la sheeghay inta ay joogaan Baydhabo in ay kulamo la qaadan doonaan madaxda ugu sareysa maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here