Guddoomiyihii Buulo-burde oo xilkii laga qaaday iyo guddoon KMG ah oo loo magacaabay

Wasiir Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Wareegto ka soo baxday xafiiska wasiirka ayaa xilkii looga qaaday Cabdicasiis Cabdullaahi Duuroow guddoomiyihii Buulo-burde iyo duqii degmadaas Maxamed Fiidow Cawaale, waxaana isla wareegtadaas lagu magacaabay guddoomiye ku meel gaar ah.

Guddoomiye ku-xigeenka maaliyadda degmada Buulo-burde Liibaan Cabdi  Burisoow ayaa loo magacaabay guddoomiyaha ku meel gaarka ah ee maamulka magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

La tashiyo badan oo ay sameeyeen madaxda sare ee maamulka Hir-Shabeelle ayaa lagu sheegay wareegtada in ay sababtay xilka qaadista gudodomiyihii iyo duqii degmadaas oo sida lagu sheegay warqadda xilka looga qaaday maamulkooda uu hareeyay is qab-qabsi iyo la tashi la’aan dhanka go’aamada ah.

Shacabka reer Buulo-burde iyo laamaha ammaanka degmadaas ayaa wareegtada lagu faray in ay la shaqeeyaan, si howlaha loo igmaday uu u guto.

Halkaan ka akhriso warqadda:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here