Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland oo Xilka laga qaaday

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland oo saaka kulan ku yeeshay xarunta golaha wakiilada ee caasimadda Garoowe ayaa xilka ka qaaday guddoomiyihii Baarlamanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo).

Kulanka oo ay  fadhiyeen 53 mudane ayaa 49 xubnood oo kamid ah u codeeyeen xilka qaadista guddoomiyaha, halka 4 xildhibaan ay ka aamustay, waxaana sidaasi xilka looga qaaday guddoomiye Dhoobo.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Wakiiladda Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in 44 Xildhibaan ay u gudbiyeen mooshin xilka looga xayuubinayo Gudoomiyaha.

Maalmihii lasoo dhaafay waxaa la hadal hayay in Xildhibaanadu ay damacsanyihiin in ay Gudoomiyahooda kalsoonida kala noqdaan, taasi oo xalay caasimadda Puntland ka abuurtay xiisad ay dad ku dhinteen.

Ugu yaraan sedax qof oo mid ka mid ah uu shacab yahay ayaa ku dhintay waxaana dhaawacmay shan kale kadib markii ay ciidan booliis ah iyo ilaalada baarlamaanku israsaaseeyeen.

Eedaha xilka looga qaaday Gudoomiye Dhoobo Daareed waxaa ka mid ah in uu sheegay hadal ay Xildhibaanadu ku tilmaameen mid ka dhan ah sharciga Puntland oo ahaa in ay Puntland dhisteen sedax qabiil.

Majiro ilaa iyo hadda war kasoo baxay Cabdixakiin Maxamed Axmed, balse waxaa la sugaya waxa uu ku soo dhamaado kulanka maanta ay isugu yimaadeen Xildhibaanadda Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here