Hey’adda DP-World oo sheegtay in khasaare kasoo gaaray murankii ay la gashay Jabuuti

Hey’adda ka shaqaysa maamulka iyo maal-gelinta dekedaha ee laga leeyahay dalka Imaaraad Carabta ee DP-World ayaa sheegtay khasaare maaliyadeed uu kasoo gaaray murankii ay dhawaan la gashay Dowladda Jabuuti.

Horraantii sanadkii 2018-kii ayaa Dowladda Jabuuti waxay DP-World kala wareegtay dekedda Dooraale kadib markii  ay ku eedeysay maamul xumo iyo in ay sameeysay wax ka baxsan heshiiskii ay labada dhinac galeen.

Murankooda oo muddo jiitamayay ayaa keenay in DP-World ay weyso mashruucii dhismaha dekedda muhiimka ah ee Dooraale.

Madaxa hey’adda Sultan Axmed ayaa warbaahinta u sheegay in bangiyadda caalamku ay aamini waayeen shirkadda islamarkaana ay u diideen in ay amaahiyaan lacag ay ku sameyso maal-gelin.

Waxaa uu hadalkiisa u daray in hey’adaha caalamiga ah ee deynta bixiya ay ka baqaan in ay dhacdo sidii ay sameysay Jabuuti islamarkaana mashaariicdooda lala wareego marka ay bilaabaan.

Ma suusan sheegin magacyadda bangiyo gaar ah oo diiday in ay lacag hey’adda deymiyaan.

Hadalka maamulaha DP-Wold ayaa waxaa uu imaanayaa ku dhawaad laba sano ka hor markii bishii February ee 2018-kii ay Dowladda Jabuuti gacanta ku dhigtay mashruuca casriyeyna dekedda Dooraale wax yar uun ka dib markii ay shirkaddu billowday shaqadda.

Shirkadda ayaa hadda waxay ka shaqaysaa dalal badan oo ku yaala Africa, gaar ahaan Soomaaliya waxay maamusha dekedaha Boosaaso iyo Berbera.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here