Ilaalada Wasiirka Gallan iyo ciidankii laga saaray Boosaaso oo ku dagaalay Carmo

Wararka ka imaanaya degmada Carmo ee gobolka Bari, ayaa sheegaya in halkaasi ay goor dhoweyd raasaas xoog leh isku weydaarsadeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo dhowaan gadood sameeyay iyo ilaalada wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan.

Goob-joogayaal ku sugan degmada Carmo, ayaa sheegay in ilaalada wasiirka Amniga iyo ciidanka kale oo ka amar-qaata sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux, ay is-rasaaseyn mudo socotay ku dhexmartay gudaha Carmo, inkastoo aan la ogayn in khasaare ka dhashay iyo in kale.

Wararkii ugu dambeeyay ee aan ka heleyno Carmo waxa ay tilmaamayaan in odyaal dhaqan iyo Isimo ku soo baxay isku dhacaas ay ku guulaysteen inay kala dhex galaan ciidanka wasiirka iyo ciidanka kale eek u sugnaa halkaas oo la sheegay inay ka tirsanyihiin Daraawiishta Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here