Jahwareer siyaasadeed oo weli ka taagan Itoobiya

Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa Ka taagan dhawaa ka jirey qalalaasiyo ay ku dhinteen saddex qof oo u dhexeeyey ciidamada amaanka iyo Jawar Mohamed oo ah nin sheegta inuu u dhaqdhaqaaqo danaha Oromada.

Dibad-baxyada ayaa billowday kadib markii Jawar Mohamed uu sheegay in gurigiisa ay hareeyeen ciidamada amniga, islamarkaana laga qaaday ilaaladiisa.

Jawar Maxammed ayaa sheegay in dowladda ay ka ceshatay ciidamadii ilaalinayay gurigiisa oo ku yaalla caasimada,balse waxaa arrintasi beeniyay saraakiisha dalkaasi.

Arrintan ayaa waxaa ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay afaafka hore ee guriga uu deggan yahay iyo qeybo kale oo dalka Itoobiya ka tirsan.

Xiisad aan caadi aheyn ayaa ka taagan Magaalada Adis Ababa ee dalka itoobiya, iyadoona saameyn xoogan arintan ku yeesheen soomaalida kunool dalkaasi rabshadaha ka socda dalka Itoobiya.

R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa isku dayay sidii loo dhameyn lahaa xiisada ka taagan Magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here