Jubbaland “Janan Dambiile maahan”

Maamulka Jubbaland ayaa markale waxaa uu hadlay xariga dowladda Soomaaliya ay Magaalada Muqdisho ugu geysatay Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan).

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen ayaa sheegay in Cabdi Rashiid Janan uusan aheyn dambiile,isla markaana Madaxda Dowladda Federaalka looga baahan yahay inay siideyso.

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa Guddoonka Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ka dalbaday inay kaalin ka qaataan sidii loo siideyn lahaa Wasiirka Amniga Jubbaland oo tan iyo markii la xiray hal jeer kasoo muuqday Maxkamada Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here