Jubbaland oo amartay in lasoo xiro koox nabadoon ku dishay Kismayo

Maamul Goboleedka Jubaland ayaa ka hadlay dil xalay Magaaladaas loogu geystay Ganacsade caan ka ahaa Magaalada Kismaayo.

Koox Hubeysan ayaa Xaaji Siciid Ciise Cabdi waxaa ay ku dileen Magaalada Kismaayo gaar ahaanna xaafadda Calanleey.

Kooxda dilka geysatay ayaa isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen,waxaana Ganacsadaha oo weerarka ku dhaawacmay la dhigay Isbitaalka Magaalada Kismaayo halkaas oo uu markii dambe ku geeriyooday.

C/Nuur Ibraahim Xuseen oo ah Afhayeenka Maamulka Jubaland ayaa ka tacsiyadeeyay dilka Ganacsadaha loogu geystay Magaaladaas.

Maamulka Jubaland ayaa waxaa dilka ku eedeeyay Al-shabaab,iyada oo Ciidamada Jubalandna ay howlgal ka sameeyeen xaafadda uu dilkaas ka dhacay.

Magaalada Kismaayo ayaa bilihii la soo dhaafay waxaa ku sii kordhayay dilalka loo geysanayo dadka ka aragtida duwan Maamulka Jubaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here