Jubbaland oo sheegtay in uu fatahaad billaabay webiga Jubba

Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabdirashiid Cabdullaahi Cali Gooni oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa sheegay in Roobabkii dayrta ee dhawaan ka curtay qayba ka mid ah deegaanada Jubbaland uu sababay fatahaad uu sameeyay  Wabiga Jubba taas oo ay saamayn xoogan ku yeeshay dadka shacabka ee dagan deegaanada ku teedsan jiinka webiga Jubba.

Guddoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose ayaa Hay’adaha samafalka,ganacsatada iyo dhammaan shacabka Jubbaland ugu baaqay in ay gurmad u fidiyaan walaalahooda ay waxyeeladu ka soo gaadhay fatahaada webiga Jubba.

Sidoo kale Guddoomiyaha walaac xoogan ka muujiyay fatahaada uu sameeyay webiga Jubba.

Guud ahaan deegaanada Jubbaland waxaa ka curtay Roobka dayrta iyadoo qaybo ka mid ah  ay saameyn ku yeelatay daadad ka dhashay Roobka iyo Fatahaada Webiga Jubba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here